BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Sacuudiga: sababta aan u weerarayno xuutiyiinta waa inaan daciifino awoodooda gantaalada balaastiga
Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay dhowr jeer duqeymo cirka ah ka geysteen goobaha Xuutiyiinta ee Yemen, iyagoo ujeedkoodu yahay inay wiiqaan awoodda gantaalada ballistic-ga ee kooxda ay taageerto ee Iiraan.
Cunto midabo kala duwan leh: sirta nafaqada iyo caafimaadka
Cunista cuntooyin kala duwan oo isku dhafan waxay gacan ka geysan kartaa kor u qaadista caafimaadka maskaxda, hagaajinta fayoobaanta jirka, iyo yareynta khatarta cudurro kala duwan, oo ay ku jiraan cudurrada wadnaha.
Trump oo ku dhawaaqay heshiis ku saabsan shidaalka Ruushka iyo Zelensky oo ku tilmaamay hadiyad la siiyay Putin
Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky ayaa cambaareeyay ku dhawaaqista Donald Trump ee ah in naaftada Ruushka lagu soo geliyo Mareykanka. Zelensky wuxuu ku tilmaamay hadiyad uu siiyay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo u dhiganta "maalgashi dagaal oo ay tahay in la soo afjaro, ee aan la sii dheereyn".
Sidee faa'iidada shirkadda Samsung ay ugu korartay $80 bilyan oo doolar sanadkaan?
Shirkadda Samsung Electronics Co. waxay sheegtay inay filayso in faa'iidada rubuc-sannadeedka ay kor u kacdo ku dhawaad sagaal laab marka loo eego isla muddadaas sannadkii hore, taasoo ay keentay kororka baahida loo qabo jibka xusuusta ee loo isticmaalo xarumaha xogta garaadka macmalka ah.
Waa kuwee tartamada baabuurta ee khatarta ah ee haweenku ay ragga kaga sarreeyaan
Waxay la mid tahay "xabbad madfac laga soo riday." Darawalka tartanka baabuurta Susan Kalin ma heli karto tusaale ka wanaagsan kan si ay u sharaxdo ciyaarta khatarta ah ee ay ka qaybqaadato. Kalin waxay laba jeer ku guulaysatay tartanka Yurub ee "Top Fuel Speed Championship," kaas oo inta badan lagu tilmaamo ciyaarta ugu xawaaraha badan caalamka.
Itoobiya oo uga digtay Eritrea inay isdifaaci doonto kaddib markii ciidamo ay ka gudbeen xadka
Gaadiid xamuul ah oo sida askarta Eritrea ayaa lagu arkay iyagoo gudaha u galaya dhulka Itoobiya, halka Itoobiya la soo wariyay inay kaga jawaabtay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Saddex muwaadin oo u dhashay Sacuudiga ayaa lagu dilay weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Riyadh
Xuutiyiinta oo sii wada weerarrada garoomada diyaaradaha Sacuudiga iyo dalal muwaadiniintooda uga digay safarka
Waxaan jaceylkeyga is naqaannay labo sano mana aqaan mushaarka uu qaato
Ka hadalka mushaharka, habka lacagta loo kharash gareeyo iyo deymaha waa qaar ka mid ah wada-sheekaysiyada ugu adag ee laga yeesho xiriirrada jacaylka iyo isbarashada.
Gawaari la gubay iyo dukaamo la bililiqeystay iyadoo rabshado ka dhan ah muhaajiriinta ay ka billowdeen Koonfur Afrika
Koonfur Afrika waxaa marar badan ka dhacay rabshado soo noqnoqda, kuwaas oo inta badan lagu bartilmaameedsado muhaajiriinta ka yimaada dalalka deriska la ah.
Baadiyaha Soomaaliya ilaa Baarlamaanka Sweden: Nolosha la yaabka leh ee Mursal Ismaaciil
“Isku day, ha niyad jabin, waad gaaari doontaa, waxyaabaha aan suurtagalka ahayna waxay u baahan yihiin waqti dheerada oo kaliya” waa weerihii maankiisa ku dhashay isagoo miyi jooga muddo ka dibna ku furay Baarlaamka Sweden.
Waa tuma Sagal Cabdi Wali, oo ku guulaysatay kuriga ra'iisul Wasaarihii hore ee Uk?
Sagal Cabdi-Wali, oo hoggaamisa golaha deegaanka Camden, ayaa kursiga ku guulaysatay iyadoo heshay 12,292 cod. Hase yeeshee, aqlabiyadda xisbiga ayaa hoos uga dhacday 11,572 cod ilaa 3,364 oo cod.
Maxaa ka jira in Wajeer laga helay Ebola?
Kenya ayaa noqotay dalkii afraad ee laga diiwaangeliyo kiis la xiriira faafitaanka Ebola ee bariga Congo, kaas oo ah dillaacii labaad ee ugu weynaa ee cudurkan laga diiwaangeliyo dunida, iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 8,000 oo kiis.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Waxa aan ilaa hadda ka ognahay colaadda dib uga soo cusboonaatay Waqooyiga Itoobiya
Tan iyo markii dagaalkii sokeeye ee Tigray lagu soo afjaray Heshiiskii Pretoria, colaad ayaa mar kale ka qaraxday Waqooyiga Itoobiya, iyadoo ka bilaabatay Arbacadii, 23-ka Sebtembar.
Madaxweynaha Iiraan oo u sheegay Trump inaysan weligood 'jilbaha u dhigan doonin'
Markii uu bilaabay khudbadda madaxweynaha Iiraan uu ka jeedinayey QM, wafdiga Maraykanka ayaa caro darteed uga baxay hoolka shirka
Erdogan oo ku baaqay in la joojiyo awoodda diidmada qayaxan ee golaha amaanka ee QM
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ma laha awood diidmo. Awoodda diidmada waxaa iska leh oo keliya shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay: Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Mareykanka.
Maxay horumarka degdegga ah iyo awoodda militari ee sii kordhaysa ee Xuutiyiintu "madax-xanuun" ugu tahay Sucuudiga?
Muddo dhowr maalmood gudahood ah horraantii Septembar, dadaalladii militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Sucuudigu muddo ka badan toban sano ka waday Yemen ayaa u muuqday inay burburayaan.
Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?
Maxay ahayd dalabkii ay soo jeediyeen saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15)? Maxay ka yiraahdeen saaxiibbadii Madaxweyne Isaias ee halganka ee muddo rubuc qarni ah aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin?
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 12 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 9 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 9 Oktoobar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 8 Oktoobar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































